Labo qof ayaa is guursadey oo is calmatey, waxaa loo soo wada qoray, ninkaani tan miyuu naag ahaan u guuradey, naagtu foolxuumaa, war qofta yaysan ku cunin, naagtaani kan miyay nin ka dhiganaysaa, naagtu nin kale wadanka miyay ka waydey, hade ogoow labadaas qof iyagaa isku faraxsan oo is doortey.
Qof qaba baahiyaha gaarka ah ayaa sawirkiisa lagu arkayaa baraha bulshada, waxaa loo soo wada qorey, qofkaani ma bahalbaa, ma bini-aadam baa, dadka yuusan cunin, wuxu ma reer aakhiraad baa.
Dhaqan xumo, dawlad la’aan, akhlaaq la’aan iyo xad gudub Bini’aadinimo ayay isku darsadeen umaddii soomaliyeed, xishood haba sheegin,dad-nimona warkeed daa.
Ummada ilaahay in la xurmeeyo oo sida alle u abuuray lagu ciseeyo ayaa wanaagsan, waxba kuma aha in eebe kaa dhigo sida aas ku maagaysid.