Saahiibkeey aan ku waayey balwada.


Habeen aniga oo xaafadayda sii galaya oo hurdo tag ah ayaa waxaan maqlay qof iigu dhawaaqey magacayga, dib ayaan u soo eegay mise waa mid kamid ah dhalinyarada asxaabtayda ah.


Waan salaamey, salaan kadib caawa waad soo dheeratey ayaan iri, waxa uu iigu jawaabey in uu hurdo tag yahey oo xaafadiisa u socdo, balse maalmahan niyadiisa aan kujiray oo uu rabey inaan mar wada fariisano, waxaan waydiiyey waxa soo cusboonaadey oo aan la xaliyo, balse waxa uu ii sheegay in uu rabo inuu joojiyo balwada, yareeyana asxaabtiisa balwada leh uu lasocdo ama la caweeyo, sidaa daraadeed aan isku fadhi noqono, balwada oo dhana uu rabo in uu go'aan ka qaato.


Aad ayaan usoo dhaweeyey fikirkiisa go'aan wanaagsan in uu qaatayna waan ku farxay, balse waxaan u sheegay in ay xili danbe tahey, in aaan habeen danbe sifiican u sheekaysano waan ka codsadey, wixii talo aan hayana aan siiyo.


Wixii aan kula talin lahaa qof dhalinyaro ah oo balwada aad u dhexgaley, xaasle ah, caruur agoon ah iyo hooyadiisa masuul u ah, ayaan so aruuriyey, waxaan soo aadey meharadii aan xalay ku balaney aniga oo is leh markii aad tagto wac oo ku dheh meheradii waan joogaaye kumee.


Aniga oo maraya isbitaal ku dhugan meharadii aan xalay ku balaney ayaa wiil kamid ah kalkaaliyaasha isbitaalku ii yeeray oo igu yari "mahadoow qof ayaa hada maydkiisa isbitaalka la keenay ee saahiibkaa hebel ayuu iila ekaadey, bal kaalay ila hubi" qofka mayd ka ah ee laigu leeyehey hubi waa ninka aan balantiisa u socdo, waa ninka aan is leeyahey cabaar kadib wac oo balantii xasuusi haduu ilaawey, waxaan u dhaqaaqey dhanka qaybta gargaarka dagdaga ah ee isbitaalka oo maydku yaaley, sababtoo an wax ka yar 20 daqiiqo ayaa la keenay wali looma gudbin dhanka qolka maydka, nasiib xumi waa saahiibkeey oo mayd ah, waa ninkii xalay igu lahaa balwada ayaan joojinayaa saahiib oo go'aan ayaan ka qaatey!!.


Saahiibkeey waxa uu sababsadey balwadii uu xalay igu lahaa waan joojinayaa, balse iyada ayaa joojisay dhamaan waqtigiisii nolosha.


Qofku marka uu dhinto dhaqammo wanaagsan oo uu lahaa ayaa mid iyo labo laga xusuusto la sheegaa, saahiibkey se waxa uu ahaa nin aan geerida ammaan ku sugayn, ee cid walba oo taqaannay markii uu noolaa ayaa loowada qirsanaa laguna tilmaami jirey dhaqamada wanagsan ee alle ku manaystey, haday dhalinyaronimo noqoto, rag isku-wadid iyo deeqsimo ayuu caan ku ahaa, haday odaynimo iyo xilkasnimo noqotana waxa uu ahaa mid aysan ukala sokayn, balse maalin kasta waxa ay balwada naftiisa ku waaya qofba qofka uu ka wanaagsan yahey. Alle haunaxriisto saahiibkeey.


Talooyinkii uusan calfan saahiibkeey waxaan la wadagaa markasta oo aan arko qof dhalinyaro ah oo balwad leh, fadlan asxaabtiina kala taliya oo si wanaagsan oo dagan ugala taliya dhibaatada balwada gaarsiinaysa in ay naftooda ku waayaan.

Mahad camey

Press officer at OPM-somalia. former Reporter at MMTV, Horn cable TV and Radio Garowe.

Post a Comment

Previous Post Next Post