Muuqaal laga duubay ayaa nolosheeda bur-buriyay

 

Saacadu 02:30 am habeenimo Waxaan ku daahnay aniga iyo saaxiibadey sheekada saaxiibkayo mohamed jama oo ka yimid jaamacad dalka dibadiisa ah. Markii aan ka soo laabtay ayaan jidka 30ka ku arkay gabar go'yar xiran oo aan da'deeda ku qiyaasayo 19 jir oo jidka dhexdiisa lugaynaysa. Waan yaabey! Gabadha xiligaas kaligeed lugaynaysa! Waan waraystey, waxayna ii sheegtay in ay isku soo dhaceen walaalkeed oo ay sababtaas guriga uga soo tagtay. Waxaan waydiiyay halka ay deggan yihiin, waxayna ii sheegtay xaafad ka fog tii aan joognay. In aan gurigeyga geeyo oo ay caawa nala joogto, berrina aan qoyskeeda u geeyo ayaan isku fahannay.

Markii aan guriga tagnay ayaa walaalkey igu yiri: wax kasta ayaa dhici kara ee maxaan sameyneynaa haddii caawa naftu uga baxdo gurigeenna? Isla habeenkii ayaan gurigeeda geeyay. Walaalkeed ayaan is waraysannay. Waa gabar hooyadeed lagu furay oo aan aabbe laheyn. Habartii ayaan is garannay oo waxay la dhalatay oo gabadha abti u ah nin aan dugsiga dhexe wada dhigan jirnay oo dalka ka maqan. 

Maamadii waxay igu tiri: gabadheydu intaan waa ka fiicnaan jirtay. Bilahaan ayaan dhaqanxumadaas ku arkay oo inta ishayda iska fiiriso ayay baxdaa. Jaamacadii oo sanadkaan ugu dambeeyana way ka hartay. Mana ogi halka ay u dhuumato.

Gabadhii ayaan dhinac ula baxay. Waxaan ku qanciyay in ay ii sheegto dhibka haysto, waxaana ka ballanqaaday in aan la xallinayo oo aanan cidna la wadaageyn. Gabadhii waxay ii sheegtay in nin ay is barteen sanad kahor uu maalin gurigiisa ku ballansaday, kadibna uu gacmaha la galay, sidaasna uu dareenku uga tagay, ayna soo baraarugtay isagoo ku sameeyay wixii uu doonayay. Uuna mar kasta ku handado in uu faafinayo sawirro iyo muuqaal uu markaas ka duubay haddii ay u iman wayso markii uu u baahdo. Marka ay guriga ka dhuumanaysana ay isaga aaddo, sababtaasna ay jaamacadii uga hartay.

Waxaan gabadhii ku ballannay in ay i soo wacdo marka ugu horreyso ee ninku la soo xiriiro, maamadiina waxaan u sheegay in uu gabadha haysto mushkilad yar oo xalkeedu sahlan yahay, oo aan la xallinayo. Maalin kadib ayay gabadhii i soo wacday, waxayna ii sheegtay in ay ninkii ballansan yihiin. In aysan iska soo bixin oo ay hooyo ogaalkeeda ku soo baxdo ayaan isku fahannay, anigana ayaana hooyadii kala hadlay.

Waa 08:30 habeennimo. Saaxiibkey oo Taliye ciidan ah oo aan kiiska sii ogaysiiyay ayaan la xiriiray, wuxuuna igu daray sadex askari. Gabadhii bajaaj naga horreyso ayay saaran tahay, labadii askarina kursiga dambe ee gaarigayga ayay fadhiyaan.

Waxaan istaagnay meel u muuqato halkii ay gabadhu bajaajta uga degtay. Ninkii ayay wacday, wuxuuna soo istaagay iridka qol irid-bannaan ah. Markii ay qolka isla galeen ayaan degnay. Iridda ayaan ku garaacay, isagii ayaana iga furay. Markii uu askarta arkay ayuu naxay, waxaanse u sheegay in aysan wax daran jirin, oo aan ahay gabadha abtigeed iyo dacwada aan ugu imid.

Gabadhii ayaa horay ii fadhiso, isagana iyo labadii askarina gadaal ayay saaran yihiin. Ninkii wuxuu ku dooday in uu gabadha qubasiro ku qabo, iyadiina way ka dhaaratay. Moobeelkiisa ayuu ii furay, hal sawirna oo iyada ahna kuma arag, waxaase ku jiray sawirrada gabdho kale. Maadaama uu ku doodayo in uu qabo ayaan ka codsaday in uu ii furo Gabadha. Mid sadexdii askari ka mid ah ayaa igu yiri: nin cabsanaya oo qori u jeedo furriin kama ansaxo ee ninka waqti sii. 

Waxaan waydiiyay ciddiisa iyo halka uu ka shaqeeyo. Waxayba ehel yihiin nin aan Wasaaradda ka wada shaqayno. Ninkii ayaan wacay, waxaana u sheegay in wiilkaan uu gaarigayga gaari kale iiga dhuftay, oo aan dacwadaas u haysto, oo uu isaga dammiin ahaan u qabsaday. Waan la hadashiiyay, wuxuuna ii sheegay in uu dammiin ka noqon karo, oo laga heli karo haddii loo baahdo. Ninkii waxaan siiyay saddex maalmood, waxaana u sheegay in uu ka soo fikiro in uu gabadha furayo, iyo in uu si sharaf leh u soo doonto.

Habeenkii xigay ayuu i soo wacay, wuxuu ii sheegay in uu gabadhii furayo. Waxaan ka dalbaday in uu marqaati u yeelo, wuxuuse ii sheegay in uusan dooneyn in ay dad kale arrinkaan ogaadaan, wuxuuna iga codsaday in aanan cid kale la wadaagin, sidaas ayaana ku soo kala tagnay. 

Jaamacadeedii ayaan ku celiyay. Waana ka warqabaa.

Saaxiib aan isla soo shaqaynay oo aan dadnimo ku aqaanno oo dhacdadaan la kulmay ayaa iiga sheekeeyay. Dab ku shidnaa ayuu ka damiyay. Sidaas oo kale ayaysan dad badan oo dulmanayaal ah u helin cid si hoose u dhagaysata oo ay dhibkooda u sheegtaan.

Mahad camey

Press officer at OPM-somalia. former Reporter at MMTV, Horn cable TV and Radio Garowe.

Post a Comment

Previous Post Next Post