Waxaa jiro wax la dhaho "Toxic relationship" Xiriir sumeysan, dad is-jecel ayuu ku dhici karaa, waana wax dhabtii halis weyn ku ah qofka bini aadamka ah naftiisa.
Xiriirku waxaa uu mid sumaysan noqon karaa markii aad qof hantidaada iyo sharafkaagah si foolxun aad ugu hibaysid adiga oo aan ka helayn wax xushmad ah ama abaal.
Sidoo kale in qof aad xiriir la qaybsatid, xiriir kaas oo aad si weyn u bahdilan tahay, una dayacan tahey, balse wax walba oo jira aadan diidi karin oo Maya dhihi karin.
Si kastoo aad u wanaagsan tahey xataa
naxariis iyo jixin-jix aadan ka helayn ka heleynin qofkaas aad nafta u hibeysay, nasiib xumo se uu isku dayayo in uu maamulo gabi ahaan noloshaada.
Xariirka sumaysan waa kan aakhirka gabdhaha gacabta u galinaya, ragga wata xiriirada sumasaysan ee faafiya muuqaalada anshax iyo dhaqan xumada ah ee ay ka duubaan gabdhaha, sidoo kale raga wuu saameeyaa oo way la kulmaan tacadiyadaas khatarta ah.
Calaamadaha way badan yihiin, xiriir sumeysan ayaa la dhahaa, waana macruuf, xal kalena ma lahan oo aanan ka ahayn, qofka inuu naftiisa yar badbaadsado, xiriirkaasi sumeysan ee asiga dilayana uu lugaha kala baxo si degdeg ah.
Qof sidaas ay xaaladdiisa tahay haddii aad taqaanidna, la tali oo gacanta ka qabo, kana badbaadi noloshaas iyo xiriirkaasi sunta ah, waayo maskaxiyan qofkaasi isma oga, haddii uu is ogyahayne awood uu uga baxo ma lahan.