Qoys kasta oo reer Mudug ah waxa uu ku diirsadaa Dhiiga, waxaa farxad galiya dilka, guryaha habeenkii loogama sheekaysto horumar, nabad iyo in bulshada lala tartamo ee waxaa looga sheekaystaa sidii qabiilkale loo reebi lahaa, sidii qabiil kale loo layn lahaa haldoorkiisa iyo sidii dad aan waxba galabsan loo qalajin lahaa.
Nabadoonku waxa uu soo jeediyaa reerka laga dilayo, ganacsadaha iyo siyaasiga ayaa iyaguna soo jeediya oo go’aamiya qofka la dilayo, qofka dhalinyarada ahi gacanta ayuu gaystaa, Hooyooyinka iyo Gabdhuhuna waa dhiirigaliayaan si shaqada loo qabto oo gacanta loo gaysto.
Ilaa si guud dadku u dareemaan dhibaatada Dhiiga la daadinayo ma joogsamayo Dhiiga maalin kasta lagu daadinayo Mudug.
Hadii warkaygu kuu cuntami waayey eeg dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee mudug ka dhacey.
Sawirku waa garoonka Cawaale ciyaartoyda gobolka nugaal oo ka gabayanaya xabado ka dhacey meel garoonka u dhow.Garoon ay ku sugan yihiin dad ku dhow 40k+ ayaa xabado laga dhex riday, waxa cajiibka ah ayaa ah in dhalinyaradii kubada dheelaysey ay naftooda u baqeen oo ka dhabacdeen Xabadii, balse dhalinyaradaas naftooda badbaadsanayey mudug waa ka ceeboobeen waayo mudug waa meel qofkasta aysan waxba la ahayn in la dhinto ama aad naftaada u baqdid, qof kasta oo ka falceliyay waxa uu sheegay in dhalinyaradaasi ceeb usoo hoyeen gobolkoodii oo xabad ka gabadeen, Majiro cid wax is waydiisay khatarta ay keeni kartey in garoon 40k oo qof ka badan ku sugan yihiin xabad laga rido.
Sidoo kale waxaa maanta la dilay wiil dhalinyaro ah oo dhakhtar ah oo waliba lagu dilay xaruntiisii uu dadka ku dawaynayey sababta loo dilay waa aano qabiil, si kale hadaan u dhaho ninkaas dhalinyarada ah qoys iyo qabiil ayaa soo qorsheeyey dilkiisa taas oo wax caadiya ka ah mudug…
Alle haunaxariisto marxuumka Aamin.