Dilka iyo dagaallada qabiillada soomaliyeed u dhaxayn jiray waxay lahaayeen xeerar uu kamid yahey xeerka loo yaqaan "Biri-ma-gaydo" oo macnihiisu yahay dadka birtu ka xishooto oo aan la dilin.
Sida caadiga ah, arimaha muhiimka u ah bulshada waxaa loo sheegaa si murtiyaysan oo la xasuusan karo. Saas ahaan, birimagaydada waxaa lagu sheegaa 7da caynka ku taal: caruurta, caanoolayda, cirroolaha, caaqilka, caalimka, curiyaha iyo cafis-doonka.
Biri-ma-gaydooy maxaad tahey?
Hadii si kooban loo sheego, dadka biri-ma-gaydada loo yaqaan ee aan kor kusoo sheegnay waxay leeyihiin astaamahaan:
1: Dad aan laga filayn in ay gaystaan daano dhimasho iyo dhaawac keeni kara sida dumarka iyo caruurta.
2:Dad laga filayo in ay nabadaynta beelaha wax kusoo kordhin karaan oo hadhoow loo baahan doono sida cirroolaha, culimada, caaqilka, curiyaha iwm.
3: Dad kala dhex gali kara beelaha is haya oo furi kara wadahadallo lagu xalliyo dhibta oogan, sida ergada.
Gabaygaan ayaa si wacan oo wanaagsan u qeexaya macnaha biri-ma-geydada.
"Dhaqankaa cadeeyoo na barey, sida cadceedeede
caruur iyo ciroolaan la dilin, jeer colaadsadaye
Caanoolayda lama beegsadiye, caalim iyo sheekhe
Cafis doon ergaan cidi bilbilin, caaqillada guude
Curiyaa abwaan caan ah waa, coli-ma-toogtaane
Cabsad magan cashiiroo, cirir-ma-toogtaane
Cadrad-keentay reeraha layaal, lagu ciseeyaaye
Xeersankaa inaan kuu carbiyo, yaan cindiyayaaye
Iga gunud gabyaa cariboo, kuu cashraan ahaye”.
Gabayga cilmi -Abwaan Stanza
Hadaba waxaa muhiim ah in la ilaaliyo xeerkaas qiimaha badan dadku si'uu ukala badbaado hala xushmeeyo xeerarka iyo dhaqanka wanaagsan ee aanu leenahey.
Hadii laiska laayo biri-ma-gaydada majirto hal sabab oo lagu wada noolaan karo.
Buuga Godob la'aan ee uu qoray xuseen cabdi xalane ayaan kaso qoray gabaygaan iyo xogta qaybteed, qofkii raba inuu wax badan ka ogaado suugaanta soomaalida ee dagaalka iyo nabada buugaas ogoow.