Sannadku markuu ahaa 1998kii Puntland waxaa lagu asaasay wada tashi iyo is-afgarad gobollo ku bahoobay in ay dhistaan maamul dawladeed oo iyaga u gaar ah.
Taasi waxay ka dhalatay markii muddo siddeed sanadood ah ay soomaalidu ku guulaysan weydey in ay ku heshiiyaan dhisme Dawlad qaran oo loo dhan yahay. Waxaa dadka Puntland garwaaqsadeen in aysan intaa ka badan dawlad la'aan karin, waxayna shirweynihii Dastuuriga ahaa ee 1998kii ku go'aansadeen dhismaha Dawladda Puntland, oo ka mid noqon doonta dawlad Soomaaliyeed oo federaal ah.
Xilligaas, shirweynihii lagu dhisay Dawladda Puntland, waxaa lagu ansixiyey axdi-qarameed, waxaana badelay Dastuur Golaha Wakiiladdu ansixiyey 2001-dii si ku meel-gaar ahna loogu dhaqmay, hase yeeshee ay suurto-geli weydey in afti dadweyne loo qaado, Iyadoo ku talagalku ahaa in aftidu dhacdo 2004-tii.
Maadaama ay suurtagal noqon weydey in Dastuurkaas afti loo qaado, waxaa la go'aansaday in lagu sii dhaqmo islamarkaasna dib-u-cegis lagu sameeyo.
Intaa ka dib waxaa dib-u-eegista dastuurkan cusub la bilaabay May 2007, wuxuuna socdey ilaa juun 2009, waxaanna talooyin wax-ku ool ah ka geystey dib-u-eegistiisa dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland iyo Sharci-yaqaanno Soomali iyo Ajnebiba leh.
Haddaba, Dastuurkan cusub waxaa loo dhigay inuu xeer dawladeed u noqdo dadka puntland, waxaana saldhig u ah shareecada islaamka, islamarkaasna wuxuu hagayaa dawladnimada, wada-shaqeynta iyo kala-dambaynta hay'adaha dawliga ah ee dalka.
Dastuurkan waxa uu si kooban u jihaynayaa, xeerarka lagu nidaaminayo hawlaha tirada badan ee hay'adaha adeega dawladdu ku hawlgalayaan, sidaa darteed, waxaa Dastuurkani u adeegayaa maslaxadda muwaadiniinta Puntland oo dhan.
Hadaba muwaadin kasta oo reer puntland ah waxaa xaq loogu leeyahey in uu ilaaliyo dhamaan qodobada dastuurka ah ee puntland u dagsan, maahan in qodobada kuwii faaido u leh uu ilaaliyo qofku kuwii aan faaido ugu jirina uu kashaqeeyo burburintoda ama kala dhantaalideeda.
Caasumada puntland waa magaalada garoowe waana dastuuri sida ku xusan qodobka 10aad ee dastuurka puntland sida hoos ku xusan👎
Qodobka 10-aad.
Magaalo Madaxda
1. Magaalo Madaxda Dawladda Puntland waa Magaalada Garoowe waana fadhiga dhexe ee dawladda.
2. Magaalo Madaxda waxaa lagu dhaqayaa xeer u gaar ah.
Qodobka 10aad ee Dastuurka wuxu kamid yahey 141 qodob oo ku qoran dastuurka puntland, kama fadli badna, sigaara oo dastuurku ukala qiima badan yahey majirto, Dhamaantiis qodobada ku qoran waxay u baahan yihiin in muwaadinku si isku mid ah u wada ilaalliyo oo u wada tixgaliyo.
Muwaadin kasta oo reer puntland waxa uu xaq u leeyahey in uu ka qayb qaato dooroshooyinka wadanka, ummada reer puntland waa u Simon yihiin dhamaantood Doorashooyinka, waxayna ku cadahey dastuurka dowlada puntland qodobka 44-aad, waakan house qodobka 44aad👎
Qodobka 44-aad
Doorashooyinka
1. Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha doorashada wuxuu xaq u leeyahay inuu wax dooran karo lana dooran karo.
2. Xubnaha Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degmooyinka waa mansabyada dadweynuhu tooska u dooranayaan.
.........
Qodobkaan wuxuu mudan yahey in loo ilaaliyo sida loo ilaaliyo qodobada kale ee dastuurka, sida kan 10aad ee cadaynaya in caasumada puntland tahey garoowe.
Sababta aan isku barbar dhigey labada qodob ee kamid ka ah 141 qodob oo ku qoran dastuurka puntland waxa ay tahey maal-mahan danbe ayaa waxaa socotey dood u dhaxaysa labo kooxood, doodooda ayaa sidaan u dhignaye labada kooxood.
1: Reer nugaaleed maadaama ay sugayaan sandakan Taraha doorashda, haku xisaab tameen in aysan isku heli karin madaxtinimada iyo caasumada.
2: Reer nugaaleed qaybtood ayaa iyaguna ku doodaya Caasumadu waa dastuuri marka caasumada iyo doorashada 2024 yaan la isku xirin.
Hadaba labada kooxoodba labo hadal ayaan leeyahey oo kala ah.
▪︎Reer nugaaleedow caasumadu waa dastuuri oo waa sax, doorashooyinka in loo dhamaado waa dastuuri oo waa sax, labaduba waa labo qodob oo dastuuri ah, qodobka 10aad iyo qodobka 44aad e dastuurka, hadii qodob kamid ah labadaas qodob aad rabtaan in mid lajabiyo oo doorashada aad dhahdaan waa taraheenii, kan kalena lama jabin karo oo caasumadu waa dastuuri oo waa lama taabtaan.
"wax caqli gal ah maahan oo hadii wax aan caqli gal ahayn aad keentaan waxaa imaanaya wax aan caqli gal ahayn"...abdi farah juxa.
Hadii aysan dooroshooyin loo dhan yahey wadanka kadhicin oo sidaan wax ku socdaan waxaa imaanaysa burbur iyo kala irdhow, caasumada aad saas u ilaalinaysaan miyay sii jiraysaa waa maya.
▪︎kooxda kale ee isku xirtey caasumada iyo Dooroshooyinka waxaan leeyahey qodob dastuuri ah hadii uu jabo looma jabiyo qodob kale oo dastuuri ah.
Gabagabo.
Waxaan reer nugaaleed kula talin in ay kashaqeeyaan sidii wadanka dooroshooyin loo dhanyahey uga dhici lahaayeen, midaas ayay ku jirtaa horumarka wadanka iyo caasumaduba.
Hadii puntland aaan loo dhamaan oo lawada lahaan, ma caasumad ayaa sii jiraysa? Waa maya.
Dhamaan dadka reer puntland waa in ay kashaqeeyaan sidii loo adkayn lahaa qodobada dastuurka ah ee lajabiyey ee yasan kashaqayn in lajabiyo kuwo kale oo hor leh.
...................•••••••••••............••••••..................
Nugaaal: gobolka ay ka tiran tahey caasumada puntland ee garoowe.
Puntland: maamul goboleed katirsan maamulada Dowlada Federalka ah ee Soomaaliya.
Sawirka: abdirahman bulshaawi.
Tags:
Aragti