Fadliga jimcada maanta ah iigu duceeya saahiibkay alle haunaxriistee.
Faceboog ayaa isoo xasuusiyay maanta saahiibkay ahmed mohamud jaamuus oo ay labo-sano kasoo wareegtay geeridiisa.
U gu horrayn waxaan saaxiibkay Ahmed mohamud jaamuus Eebbe u ga baryayaa denbi-dhaaf iyo naxariis, deeqsinimadisana ku irsaaqo janooyinkiisa fadliga badan, sidoo kale, dadka faraha badan ee uu ka baxay, hooyo iyo caruurtiisa u gu horrayso, uu laabtooda qaboojiyo, gadaashiisna uusan fitnayn. Aammiin.
Sahiibkey alle haunaxriistee waxaanu ahayn raga dhalinyaro soowada oo intii aanu ismaqaaney waxaanu ahayn rag si dhab ah isaga warhaya oo aad ayaanu isaga ag-dhowayn, wax badan baan soo wadaagnay, inta ay saaxiibnimadu tilmaamo iyo qiimo leedahay na waan u yeelnay.
Qofku marka uu dhinto dhaqammo wanaagsan oo uu lahaa ayaa mid iyo labo la ga xusuusto la sheegaa, ahmed se waxa uu ahaa nin aan geerida ammaan ku sugayn, ee cid walba oo taqaannay markii Uu noolaa ayaa loowada qirsanaa laguna tilmaami jirey dhaqamada wanagsan ee alle ku manaystey, haday dhalinyaronimo noqoto, rag isku-wadid iyo deeqsimo ayuu caan ku ahaa, haday odaynimo iyo xilkasnimo noqotana waxa uu ahaa mid aysan ukala sokayn dadku iyo dhex-dhexaadnimo oo uu markii u danbeysay ahayd falkii uu hayay dhex dhexaadin labo qollo oo is haysey.
Dhaqamada cajiibka ah aan kula yaabi jirey waxaa kamid ahaa in annaga oo dhalinyaro ah aanu arki jirnay isaga oo lasocda ama ay raadinayaan rag aabihiis le'eg oo ay saahiib yihiin, cid walba nin lasocon kara ayuu ahaa yar iyo waynba.
Waxaa nasiibdarro ah, ninka qofnimada sidaas u sarraysa lahaa in uu u dhintay sabab la'aan, caawa na ay ina ku bannaan tahay furin aad u baaxad weyn oo wehel, waxtar, talo, garasho, iyo xoog ba uu inoo ku aaddanaa. Waxaa kale oo halkaa ka cad, in cid kasta oo wax inoo gu taal ay halis joogto ah ku jirto, habeenkii la doonana la iska dili karo, mar haddii aynaan ku noolayn jawi nabaddiisa la isku hallayn karo.
Eebbe-weyne ha u naxariisto walaalkay, saahiibkey, marxuum, ahmed sahal, runtii waxa uu ahaa nin rag ah oo garabkayga ka baxay.
___________________________________________