Maxay kala yihiin dadnimo iyo magac ama sumcad?
Marka la joogo luuqada carabiga dadnimo waxaa lagu dhahaa [شخصية] halka magacna lagu dhaho [سمعة]. Qofku ma xukumo sida uu noqonayo magaciisa ama sumcadiisa oo dadka ayaa xukuma wayna dili karaan wayna kordhin karaan, tusaale: adiga oo
Waxaa muhiim ah in uusan qofku waqti badan galin sida ay noqonayso sumacadiisa ama magaciisu balse mida la rabo in uu ka shaqeeyo waa shaqsiyadiisa ama dadnimadiisa sida ay noqonayso.
Qofka dadnimadiisu maxay ka kooban tahey? Waxa ay ka kooban tahey waxa uu ku hadlo, waxa uu sameeyo, Waxa uu dadka kula dhaqmo, sida uu u fakaro iyo dadka ku xeeran. dhamaan amuurahaas oo laisku daray waxa ay kordhiyaan ama hoos u dhigaan qofka shaqiyadiisa.
Badanaa marka qofku dhiso shaqsiyadiisa ama dadnimadiisa waxaa dhisma sumcadiisa.
Luuqada ingiriiska waxaa lagu kala dhahaa (reputation and character), xog badan ayaad kasii raadin kartaa.