Kaftan xigmadle

 Saaxiib, adigoo aan xanaaqin oo qoslaya, oo aanan ka guban hadalka lagu yiri, si reer magaalnimo meel isaga saar dadka doonaya in ay hadalka kugu gubaan, ama ay kugu dhibco badsadaan, iyadoon lagaa dareemin.

Bal eeg dadkaan sida ay dadka iskaga cesheen iyagoo aan caytamin oo aan xanaaqin.

1:Haweeney dameero ilaashanaysa ayaa wiil yar wuxuu ku yiri “Subax wanaagsan dameeraha hooyadoodey” Maammadii ayaa ugu jawaabtay “Wacan oo wanaagsan Wiilkeygiyow”

2: Bishaar Bardi oo ahaa Gabyaa' indhool ah ayaa mid faduulinayay wuxuu ku yiri: "Bishaarow qofkii uu Alle aragga ka qaado, wuxuu ugu bedelaa wax kale, ee adiga muxuu kuugu beddelay?" Bishaar ayaa ugu jawaabay "Wuxuu iigu beddelay in aanan arkin adiga oo kale”

3 : Oday indhool ah ayaa gabar uu soo guursaday waxay ku tiri: “Aboowe, quruxdeyda haddaad arki laheed, waad iska ooyi laheed" Kama waalin ee wuxuu ku yiri: “Waabsiga iga daay Abbaayo, haddaad qurux badan tahay ragga indhaha leh ayaa mar hore kugu yaaci lahaaye”

4: Mid ayaa Mutanabbi oo ahaa gabyaa farta ka xiran wuxuu ku yiri “Ninyohow markaan kor kaa arkay naag ayaan ku moodayay. Mutanabbi ayaa ugu jawaabay “Aniguba markaan ku arkay nin ayaan kuu maleynayay”

5: Raisulwasaarihii Ingiriiska, Winston Churchill oo ahaa nin buuran ayaa isaga oo la kaftamaya Bernard Shaw oo ahaa nin caato ah wuxuu ku yiri: “Qofkii ku arkaa wuxuu u maleynayaa in ay Ingiriiska ka jiraan abaar iyo nafaqadarro xooggan.” Bernard Shaw ayaa ugu jawaabay “Qofkii adiga ku arkaana wuxuu ogaanayaa sababta nafaqo-darrada keentay!"

6: Waxaa la yiri, Madaxweyne Farmaajo ayaa Muxuddiin Darbawayne ku yiri “Muxudiinow dalka abaaro kama dhicin sidii aan Madaxweyne uga noqday. Muxuddiin wuxuu ugu jawaabay “Markii adiga lagu doortay ayaa ku ducaystay in uusan Alle iskugu keenna darin labo imtixaan, oo ah adiga iyo abaar.”

7: Mid ayaa Juxe ku yiri “Juxoow waan ku garan waayay markaan meel fog kaa arkay, balse mar dambe oo aan dameerkaaga aqoonsaday ayaan ku ogaaday in aad adiga tahay” Juxe ayaa ugu jawaabay “Waa runtaa, oo dameeruhu way is yaqaannaan”

Kaftanka xigmadle. 
X/q Hussein sabrie 


Mahad camey

Press officer at OPM-somalia. former Reporter at MMTV, Horn cable TV and Radio Garowe.

1 Comments

Previous Post Next Post