No title


Muhiimada waqtiga:-

Walaal hantida ugu wayn aad haysato markii laga yimaado Diinta islaamka waa wakhtiga iyo caafimaadka.

Formula of the life = Maalintaad dhalatay - Maalintaad dhimato

Tani waxay tilmaan u tahhay in noloshuba wakhti la xisaabiyay uun tahay


Sidaas darteed suaalahan is waydii;
1. Jadwal wakhti maamul ma leedahay
2. Yaad la qaadataa wakhtigaaga
3. Xagee ku bixisa wakhtiga aad haysato
4. IWM
 Walaal ka faaidayso wakhtiga aad haysato dadka qayb baa ku andacooda waxaan qabano garan mayno laakiin xaqiiqdu waa sidaas ma ahan kaliya waxa ka maqan waa in aysan Qorshe wakhtiga lagu maamulo lahayn

Tusaale ahaan hadaad dhahdo waxaan u go'yaa kubada o kaliya waxbarashadana waan ka harayaa is waydii su'aashan:

1. Imisa saacadood baad kubada cayaari kartaa maalintii? .waxay ila tahay kama badnaan karto 2 saacadood hadaba 22 saac ee kale ee soo hara mxaad qaban doontaa saw macquul ma ahan in aad kubadana cayaarto waxna barato?
Jawaabtu waa haa

Walaal maaree wakhtigaaga oo ka taxadar cida aad la qaadanayso wakhtiga aad firaaqada tahay ogaw saaxiibkaa waa qofka ugu saamaynta badan dadka kugu xeeran noloshadaana saamayn aan la mahdin doonin buu ku yeeli karaa ama mustaqbal wanaagsan buu kuu horseedi karaa

Walaal wakhtigaaga maaree oo ka faaidayso

Tusaale waxaa kuugu filan hadii aad maalin walba hal jus oo Qura'an ah akhrisid shanta salaadood gudahood waxaad Qura'anka ku dhamayn bil gudaheed saw qorshe wakhti maamul ma ahan oo Alle kuu dhawaynaya?
Jawaabtu waa ha
Hadaba dhibaatadu ma ahab in aad wayday waxaad qabato ee waa in aynaan lahayn jadwal wakhtigeena maamula fadlan ka faaidayso wakhtiga walaal

W/Q Aqoon yahan:-Mohamed Khalif Sayidka
Mahad camey

Press officer at OPM-somalia. former Reporter at MMTV, Horn cable TV and Radio Garowe.

Post a Comment

Previous Post Next Post