Qormadaan Waxman ku egaynaa saaxibtinimada
Friends
Saaxiibo
_______________
"Saaxiibadu waxay ku dhawaadeen qoys , waa dadka aynu tirsano markii ay inaga soo hor jeestaan kuwii aynu isku dhiigga ahayn" .
Kalaam carbeed ayaa ahaa , " saaxiibadu waa inay ku anfacaan ama kuu shafeecaa qaadaan". Shafeeca qaad kuuma awoodaan ee waxaa lagu adkeynayaa erayga hore ee ah in ay ku anfacaan
Mar mar ayay noloshu ku siisaa Saaxiibo noloshaada midab u yeela adiga oo ay qalinkaagii khaddu ka dhamaatay".
Saaxibadaas Waxaad la wadaagtaa waxkasta oo aadan u sheegin cid kale xitaa Hooyadaa iyo walaalkaa, waa ay kaa dhageystaan wax walba, nuxurka ayayna kala baxaan.
Maalintaad la kulanto waxku farxad galiya, ma sugi kartid inaad u sheegto, waayo waxaad ku kalsoontahay inay ku farxi doonaan, in ka badan intaad ku faraxsantahay.
Waxaad la wadaagtaa himilooyin kaaga mustaqbalka, riyooyin aan suurtagal ahayn, iyo guul darooyin badan o ay noloshu ku dhaxal siisay.
Majecla marka qalbigaaga la dhaawaco, kuguma qoslaan markaad naftaada iyo iyagaba been u sheegeyso.
Dareen kaaga ayay ilaaliyaam ee niyadda kaama dilaan marna kuma dareen siiyaan inaadan kari karin ama isku filneyn qof ahaan, laakiin waa ku gacan qabtaan, waxa ay ku tusaan kartidaada iyo awoodda aad dadka dheertahay.
Lajoogooda ciriiri kuma dareentid, ee waad ku nafistaa, kuna dagtaa agtooda, kaama maseyraan, tartanna kugulama jiraan ee waad weheshataa. Marka ay kula joogaan ayaad ogaata qofkaad tahay.
kama walwashid waxey kaa aaminsanyihiin waayo waxaad ogtahay inay kugu jecelyihiin shaqsiyadaada. Waxaa macno gaar ah kuu sameeya waxa ay jecelyihiin sida Sheekooyinka, Buugaagta, heesaha iyo Filmaanta.
Markaad uga sheekeyso carruurnimadadii, ayey soo noqdaan xusuusahaagii duugoobay, waxaadna dareentaa inaad markale dhalatay.
Midabada ay xirtaan ayaad jeclaataa, waxeyna kuula muuqdaan qurux iyo hal-abuur cajiib ah, oo iyaga u gaar ah.
Qosolkooda iyo qeyladooda ayaad ku raaxeysataa, waxaadna isu moodaa inaadan awalba haysan ama ay kugu yaraayeen.
Maalin dheer oo shaqo oo kusoo martay waxaad ku ilowdaa inaad midkood aragto ama aad telfoon iska maqashaan, waad qososhaa ama ugu yaraan dhoolla caddeysaa markaas ayaad fududaataa.
Haddaad is heshaan, sheeko dheer oo socotaa muhiim kuuma ahan, ee iney kuu dhawyihiin ayaa kugu filan. Waxyaabo aan ku xiisa galin jirin, ayaad jeclataa, waayo iyagaa jecel.
Waxkastood la kulanto midkood ayaad ku xasuusataa, markaas ayaad diiwaan galisaa, ood la wadaagtaa iyaga .
Qalbigaaga ayaad u furtaa, adigoon ka qarineyn boogahaaga, waayo waxaad hubtaa ineysan damqineyn.
waxey ku siiyaan jacayl iyo farxad aadan filaneyn, cidkalena ka hesheen. Iney ogyihiin daciifnimadaada waxey ku siisaa kalsooni.
inaad haysato saaxiibo nafta kuu hura markaad hiil ubaahantahay, oo aan weligood garab kaaga ka bixi doonin waa nasiib nololeed
Noloshu waxey keliya nolol kuu tahay, kuuna macaantahay markaad iyaga haysato, rejadaadu waxey ka billaabataa, kuna dhammaata lajirkooda.
"Caruurtaada marka ay ku waydiiyaan macnaha saaxiibo qoraalkaan u dareeri".