Muddo nus-saac ah ayey fadhidaa jardiin cidlo ah oo kamid ah jardiimada beerta jaamacadda kaligeed, sidii in ay sugayso saaxiibteed ama gacaliyaheeda.. ma qiyaasi karo dhab ahaantii, maxaa yeelay ma su'aalin cidda ay sugayso.
Waxa dareenkayga soo jiitey waxay ahayd iney hadba cirka eegayso iyada oo qaadanaysa neecawda macaan ee dhirtu isku cel-celinayso, macalimad lagu magacaabo "CC" oo kamid ah macalimiinta jaamacada dhiga oo dhinacayga soo jirtey ayay gacanta u taagtay oo u yeertay, indhaheeda waxaa kamuuqdey illin.
Laga yaabee qofka ay sugayso uusan soo daahin ee ay iyadu xilli danbe timid oo balantii kasoo dib dhacdey.
Cakuye yaa cidleyn kara gabadha sidaa u quruxda badan, mala hadlaa? Ma weydiiyaa waxa kaligeed fariisiyey? Aniguba qof ayaan sugayay, laakin ma uusan soo daahin oo maba imaanayo, sababtoo ah wuxuu dhintey waqti hore. Waa ii caado in aan halkaan imaado galabtii markii aan jaamacadda xiisada hore kasoo baxo siaan u soo ceshado xusuusteyda.
Gabadhii waxay bilawday inay ooydo oohin gubasho leh, macalimadii ayaa u timid oo hor dhigtey tiish ay illinta iskaga tirtirto iyadoo aan wax hadal ah oran, waxay u eegtey sidii iney laqabsatay oohinteeda.
Wan la yaabey naxariis daradeeda iyo sida aysan waxba uga soo qaadin gabadha oohinteeda, Hada ma u tagaa? Intaan laabta galiyo ma aamusiyaa? Ilmada maka tiraa oo ma u sheegaa iney wax walba wanaagsanaan doonaan?.
Marka hore se waa inaan ogaado waxa ey la ooyayso. Waxaan u tagey macalimadii oo waydiiyey...
-"Maxaa ku dhacey gabadha?"
-"Jaceylkeedii ayaa dhintey, maalin kasta waxay halkan u timaadaa inay ka ooydo dhimashadiisa.” ayey si murugo leh iigu tiri.
Waan soo jeestay mise maba joogto gabadhii oo ma fadhido jardiinkeedii, waxaan haddana soo fiiriyey dhankii macalimada mise iyana ma taagna halkeedii, ma jiro qof kale oo beerta jaamacada jooga aniga mooyaane, waxaadba moodaa iney dadkii oo dhan hal mar is baabi'iyeen.
Waxaan u cararey dhanka suuliyada si aan wajiga usoo dhaqdo, kor ayaan usoo qaadey madaxa si aan iskugu fiiriyo muraayadda, mise maba ka dhex muuqdo sawirkeygu sababtoo ah ma ihi qof jira... Waxaana ahey ruux mar hore dhimatey. Waxaan ahey qofkii ay sugisey gabadhu. Waxaan ahey xasuus oo kiliya...! 🖤🥀
Mahad camey.